Waxaa magaalad Nairobi looga dhawaaqay isbaheysi dhaqaale oo ay yeesheen dalalka Jabuuti, Itoobiya, Uganada iyo Suudaanta Koonfureed, iyagoo ku heshiiyay in ay dhistaan Wadooyin isku xiri doona caasimadaha afarta dal.
Heshiiska kulmiyey afarta dowladood ee ka mida IGAD waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madax ka socotay urur Goboleedka IGAD. Shirka oo laba maalmood socday ayaa lagu soo gabgabaeyay kormeerka lagu sameeyay hirgelinta wado isku xireysa dalalkaasi. Dhinacyada ay quseysay waxay ka doodeen waxyaabihii lagu soo jeediyay kormeerka iyo xalka dhismaha oo ay fulin doonto shirkadda Africon ee fadhigeedu yahay Nairobi, inkastoo dowladda Kenya aysan qeyb ka ahayn.
Khadka isku xiraya magaalooyinka Kampala-Jabuuti ayaa noqon doona midka ka mida afarta Wado eee la qorsheeyay in la dhiso si loo fududeeyo isku xirta dalalka afarta ah. Waxaana la filayaa in dhaqaale xoog leh laga heli doono khadkaasi markii la hirgeliyo, iyadoo mashruuca uu hadda yahay qorshe aan loo gudbin fulintiisa.