Guddiga Doorashada Galmudug ayaa caawa shaaciyey Jadwalka cusub ee doorashada Galmudug, iyadoo waqti cusub loo qabtay xilliga lasoo xulayo xildhibaannada Galmudug, lana doonayo, Guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay xildhibaannada cusub ee Galmudug la dhaarin doono 31-ka Disembar 2019, halka guddoonka Baarlamaanka la dooran doono 4-ta Janaayo 2020, iyadoo xilliga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay dhici doonto 9-ka Janaayo 2020-ka.
HOOS KA AKHRISO JADWALKA
