Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Jaha-wareer ka dhashay War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Jabuuti & Wafdigii Somaliland oo kala hadlay

    Jaha-wareer ka dhashay War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Jabuuti & Wafdigii Somaliland oo kala hadlay

    June 14, 2020Updated:June 15, 20202 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jaha-wareer ayaa hareeyay shirkii Jabuuti ee maanta dhex maray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, goobjoogna uu ka ahaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

    War-murtiyeed ay faafiyeen IGAD iyo dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Guddiyo farsamo ay sii wadi doonaan wadahadalka dowladda Somaliya iyo Somaliland, waxaana war-murtiyeedka ka muuqday ereyo ka hadlaya ‘LABADA DAL’, oo dad badan ay baraha bulshada su’aal ka keeneen.

    War-murtiyeedkaas waxyaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in war-murtiyeedka la faafiyey aanu sax ahayn, welina gacanta lagu hayo war-murtiyeedka, taasoo u muuqatay inay ka biyo diiday qoraalka, waxaana markii danbe la faafiyey war-murtiyeed cusub oo dib loo saxay inkastoo midkii hore uu suuqa galay, ayna si rasmi ah u faafisay Madaxtooyada Somaliland oo iyadu War-saxaafeedka hore aan bedelin.

    Dhinaca kale xubnaha wafdiga Somaliland ayaa kala hadlay, waxayna qaarkood sheegeen in shirka lagu kala tegay, halka qaar kale ay caddeeyeen inuu weli socdo.

    Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal ayaasheegay in shirka uu ahaa mid uu Mareykanku watay oo la doonayey inuu dib u bilowdo wadahadalka, taasoo Somaliland ku xirtay shuruud ah in marka hore inta aanu wadahadalka bilaaban ay dowladda Soomaaliya fuliso heshiisyadii hore ee labada dhinac, wuxuuna intaas ku daray shirkii siyaasada uu sidaasi ku istaagay, wax socdana aanay jirin.

    Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa dhinaciisa sheegay in shirku sii soconayo illaa maalinta Berri ah oo aan lagu kala tegin.

    WAR-MURTIYEEDKII HORE

    Image
    Image
    Muuse Biixi Saleebaan Gaal Shirka Jabuuti Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa kasoo baxay Shirkii Jabuuti ee madaxda Somaliya & Somaliland? (Miyaa lagu kala tegay?)
    Next Article Madaxtooyada Somalia oo faafisay War-murtiyeedka Dib loo saxay ee Shirkii Jabuuti (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo