Jaha-wareer aan hore loo arag ayaa ka taagan Doorashada Galmudug iyo musharixiinta isu taagay xilalka sare ee maamulkaasi oo dhowaan galaya doorashadii labaad ee maamul cusub loogu dhisayo, kadib is-jiid-jiid iyo khilaaf hareeyay maamulkii hore.
Waxaa isku qasan qaabka awood qeybsiga beelaha ee maamulkan oo kulmiye 11 beelood oo waaweyn iyo yaryar isugu jira, kuwaasoo aanu weli jirin xilal u kala xiran oo beel kasta lagu ogyahay, marka laga reebo inay xilal Madaxweynaha loo qoondeeyay beel weyn oo hadda u muuqata inuu wareeg dhexdooda ku noqon doono, laakiin xilkaguddoomiyaha Baarlamaanka oo maamulkii hore beel kaliya u xirnaa ayaa hadda u muuqda mid furan oo isna beelo kale ay tartankiisa soo galeen.
Jahawareerka ugu weyn ayaa ah in musharax aan ka mid ahayn beesha xilka madaxweynaha loo qoondeeyay uu xilkaasi u sharxan yahay, halka xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay sidoo kale isku sharxeen xubno kasoo jeeda beel kale.
Maamulka Galmudug ayaa u muuqda mid kabkab ah oo xitaa aan lahayn heshiis hoose oo awood qeybsi beeleed, waxaana doorashada ka dhici doono magaalada Dhuusamareeb ay noqon doontaa mid aan la saadaalin karin oo isku qasan.
Ololaha Doorashada ee ka socda Galmudug ayaa la filayaa in kan ugu weyn uu ka dhaco xilka Madaxweynaha oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin u badan jufo Saleebeen ee H/Gidir oo xilkaasi u qoondeysan yahay, laakiin wuxuu markan u muuqdaa inuu kasoo wareegay Beeshii hore ee Sacad, taasoo xiiso gaara leh.
Beesha Murusade ayaa u muuqata inay sii heysan doonto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin musharixiinta beesha Waceysle ee is khilaafsan, kuwaasoo aan wax taageero ah ka heysan dowladda iyo isbaheysi kale midna.