Warar kala duwan ayaa kasoo baxay goobta lagu qabanayo shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Boqortooyada Sacuudiga marti geineyso sanadkan oo markii hore loogu qorsheeyay inuu shirku ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Riyaad.
Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ee 29-aad ayaa markii hore dib loo dhigay iyadoo ay ahayd inuu dhaco bishii Maarso iyadoo sidaas loo yeelay doorashadii dalka Masar, waxaana markaas kadib mugdi galay iyadoo aan la ogaan magaalada uu ka dhacayo.
Wasiirada arrimaha dibadda ayaa ku shiray Magaalada Riyaad, waxaana la sheegay in shirka hoggaamiyeyaasha carabta loo wareejiyey magaalada Damam, laakiin muddo kadib waxaa la shaaciyay inuu shirka ka dhacay magaalada Dahraan ee xeebta Badda Cas ee Sacuudiga.
Arrintan ayaa ka danbeyasay cabsi laga qabo Gantaallaha kooxda Xuuthiyiinta Yeman oo si joogto ah loogu weerarro magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sacuudiga. Kooxda Xuuthiyiinta ayaa ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada Gantaalaha blastikada ah.