Aasaasihii kooxda mintidiinta ah ee Xaqaani ayaa geeriyooday ka dib markii uu sannado badan xanuunsanaa, sida ay ku dhawaaqday kooxda Taalibaanta Afqaanistaan.
Jalaluddin Xaqaani ayaa ahaa hogaamiye saameyn weyn ku dhex leh xoogagga mintidiinta ah ee dalka Afqaanistaan wuxuuna xiriir dhow la lahaa kooxaha Taalibaan iyo al-Qaacida. Wiilkiisa ayaa la rumaysan yhay inuu maamulka kooxda Xaqaani la wareegay sannadkii 2001-dii.
Kooxda Xaqaani ayaa mas’uul ka ahayd weerarro badan oo dhawaan lagu qaaday ciidammada Afqaanistaan iyo kuwa Gaashaan buurta Nato ee ku sugan dalkaas. Ma jirto faahfaahin ku saabsan goorta iyo meesha uu ku geeriyooday Jalaluddin Xaqaani.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taalibaanka Afqaanistaan ayaa lagu yiri “Sida uu ugu soo dadaalay diinta Alle intii uu yaraa iyo intii uu caafimaadka qabay, ayuu sidoo kale ula soo rafaaday xanuun waqti dheer hayay sannadihiisii dambe,”
Hadal heyn ku saabsan dhimashada Xaqaani ayaa muddo sannado ahba la isla dhex marayay.
Sannadkii 2015-kii ayay ilo wareedyo ku dhow kooxda Taalibaan BBC-da u sheegeen in hogaamiyahaas uu geeriyooday muddo ugu yaraan hal sano xilligaas ka hor ah. Laakiin arrintaas waligeed lama xaqiijinin.
Kaalintiisii CIA-da
Jalaluddin Xaqaani ayaa ahaa dagaalyahan dhuulaameysiga aad ugu wanaagsan oo u dhashay dalka Afqaanistaan waxa uuna la soo dagaallamay ciidamadii midowga Soviet ee Afqaanistaan qabsaday sannadkii 1980-kii.
Saraakiisha Mareykanka ayaa Qirtay in xilligaas uu ninkaan kaalin aad muhiim u ah ugu jiray ayna saaxiib la ahaayeen laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Hase ahaatee waxa uu markii damabe iskaashi la sameystay Kooxda Taalibaan oo maamulka Afqaanistaan qabsatay sannadkii 1996-kii.
Muddo ka dibna wuxuu cadow baaxad weyn leh u noqday Mareykanka oo waqti dheer ku bixiyay sidii ay ku dili lahaayeen ama ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
War bixinta ay shaaciyen Talibaan ayay ku sheegeen in Jalaluddin Xaqaani uu ahaa “Dagaal yahan aan gabasho lahayn… uuna ka mid ahaa mujaahidiinta ugu dadaalka badnaa waqtigiisa soo maray.”
Kooxda Xaqaani ee uu ninkaan aasaasay ayaa ka mid ahayd kooxaha mintidiinta ah ee ka dagaallamay dhulka qabaa’ilka ee ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Afqaanistaan iyo Baakistaan.
Dhaqdhaqaaqyadaas ayay billowday wixii ka dambeeyay markii uu mareykanka xukunka ka tuuray xoogaggii Taalibaan ee maamulayay Afqaanistaan sannadkii 2001-dii.
Kooxdaan oo lagu eedeeyo iney inta badan ka howl gasho gudaha Baakistaan ayaa lagu dhaliilay mid ka mid ah weerarradii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda Afqaanistaan, ka dib markii qarax lagu dilay in ka badan 150 ruux.
Jalaluddin Xaqaani ayaan saameyn ku dhex lahayn howlaha kooxaha mintidiinta xilliga uu dhimanayay, haddana waxay dhabar jab weyn geeridiisa ku tahay kooxdii uu isaga dhisay.
Kooxda Xaqaani ayaa wali loo arkaa iney ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada ugu awoodda badan ee saldhigyada ku leh waddanka Afqaanistaan, waxaana lagu eedeeyaa in ay fariisimo kale ku leedahay gudaha Baakistaan.