Roob xoog leh oo Jimcihii shalay ka da’ay caasimadda Muqdisho ayaa dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur gaadiid, Guryo iyo wadooyin xirmay.
Xalay Saqdii dhexe ayey jawaabtii ugu horeysay ka bixiyeen Xukuumada Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ay booqdeen meelaha ugu darran ee degmooyinka caasimada oo saameynta ay ku yeesheen Roobabka.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka waxaa la socday wasiirada Arrimaha gudaha, Taliyeyaasha ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna degmada Wardhiigley oo ilaa 80 qoys ku barakaceen u qeybiyeen raashin iyo Joodariyaal.
Waxaa la arkayey Wasiiro iyo Duqa Muqdisho oo qaar ka mida Dadkii ku barakacay Roobkii Muqdisho u qeybinaya raashin iyo agab kale, iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale uu sheegay in ilaa 4 qof ay ku dhinteen Roobkii shalay.
Waxaa isla xalay bilowday dadaal maamulka Gobolka Banaadir Biyaha uga saarayo Wadooyinka xirmay ee caasimadda, iyadoo ay shaqeyn waayeen Bulaacadihii magaalada oo tii ugu danbeysay laga dhisay Jidka Ceel-qalaw.
Magaalada Muqdisho ayaa xilli roobaad kasta la kulanta xaalad adag, iyadoo ay dhaliyaan dhimasho iyo qasaare kala duwan, iyadoo aanay dowladaha federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir aysan xal u helin nidaamka Qashin Saarka caasimadda.
