Madaxweyne ku xigeenkii Hore ee maamula Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku guuleystay inuu ka mid noqdo senetorada Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Kursi ay ku tartameen isaga iyo haweeney lagu magacaabo Seynab Maxamad Samoow ayaa codkii loo qaaday wwuxuu helay C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag wuxuuna 55 Cod, halka Seynab Maxamad Samoow ay heshay 11 Cod.
Dhinaca kale doorashada xubnaha aqalka sare ee ka socota Baarlamaanka Jubba waxaa ilaa hadda la doortay:
1- Xasan Faarax Xujaale
2- Axmad Xaashi Maxamuud
3- C/llahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Waxaa weli harsan 5 xubnood, iyadoo la filayo in qeybta labaad ee doorashada ay dhacdo maalinta beri ah.
Wadani.com