Jeneraal Cali Carraaye Cosoble (Gacmadulle) ayaa magaalada Muqdisho kula hadlay ciidamada ka hortegay muddo kororsigii ee ka baxay caasimadda.
Jeneralka oo ka mida Guddiga hoggaaminaya ciidamadan ayaa sheegay inay ciidamada dib ugu noqonayaan furmihahoodii iyo shaqadii ay ku jireen ilaa la-dagaalanka argagixisada, iyadoo wixii xuquuq ka maqnaa la sii doon laba toddobaad ee soo socda, iyadoo la fulinayo amarka Ra’iisal wasaaraha.
“Ciidankan dad badan ayaa ka hadlay.. qaar waxay ku sheegeen maleeshiyaad.. qaar kale wax kale ayey sheegeen.. Ciidankaan waa awoodii ugu weyneyd ciidamadii qalanka sida, waxayna ka kooban yihiin afarta ciidan ee qalabka siday.. waxayna u diyaareen fulinta waajibaad qaran” ayuu yiri Jeneraal Gacma-dulle.
Jeneraalka ayaa ka digay in mar kale ciidamadan loo baahdo ama lagu qasbo inay dib u soo laabtaan. “Haddii ay timaado cid isku dayda inay xaq darro ku raadsato awoodda.. mar kale ayaan diidi doonnaa.. ma jirto cid laga yeelayo xukun jaceyl, xaqdarro iyo muddo kororsi… ciddii kursiga rabta Sanduuqa Doorashada waa inay u soo martaa” ayuu yiri Jeneraal Cali Caraaye oo caddeeyay inay ilaalinayaan ciddii boobeysa awoodda shacabka.
Wuxuu u mahad celiyay taageerada Beesha Caalamka ee dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inay fulinayaan amarkii Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.
