Ciidamada Jeneraalka hoggaamiya ciidamada (Libyan National Army -LNA) ee Liibiya oo dagaalka kula jira dowladda KMG ah ee dalkaasi Gen. Khalifa Haftar ayaa afduubtay lix ka mida dad u dhashay dalka Turkiga oo ku sugnaa dalka Liibiya, maalin kadib markii kooxda Jeneraalka ay ku eedeeyeen Turkiga inuu yahay caddow la safan dowladda dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa goor dhoweyd shaaciyay in ciidamada Jeneral Haftar ay qabsadeen lix qof oo Turki ah, isla markaana wuxuu ugu baaqay in si degdeg loo sii daayo dadkaasi ama Turkiga uu qaadi doono tallaabo milateri oo ka dhan ah jeneraalka iyo ciidamadiisa.
Labadii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa waxaa cirka isku shareeray xiisadda u dhaxeysa Jen. Haftar oo hoggaaminaya ciidamada la baxay (Libyan National Army -LNA), waxaana jeneraalkan taageera dalalka Imaaraadka iyo Masar oo xiriirka kala dhaxeeya Turkiga uu aad u xun yahay.
Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa si cad u shaacisay inay tallaabo ka qaadi doonto ciidamada uu hogaamiyo Gen. Haftar ee dalka Liibiya, kadib markii afhayeenka ciidamadaasi ay sheegeen inay beegsan doonaan maraakiibta diyaaradaha Turkiga oo ay ka mamnuuceen hawada iyo badda dalkaasi