Jeneraal Yuusuf Maxamed Indhacadde oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminayesay ciidamadii la baxay badbaado Qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii uu ku dhaqaaqay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in wax badan oo laga sheegay ciidamadooda ay been noqdeen.
Indha-cadde oo ka hadlayey xaflad loogu mahadceliyey xoogaggii ka dhiidhiyey muddo kororsiga ayuu sheegay in la lahaa ‘Heer hebel ma nqon karaan daacad ee waxay noqon doonayaan inay dalka u celiyaan 1991-kii, taas oo uu sheegay inay beeniyeen.
Wuxuu sheegay inay ka dhabbeeyeen inaysan dano gaara lahayn ee ahaayeen ciidankii Qaranka oo doonayey inay Qarannimada ilaaliyaan, iyadoo ay hoggaaminayeen Midowga Musharixiinta iyo Golaha Badbaadada Qaranka.
“Anagoo ah ciidankii badbaado qaran wuxuu waqtigeenu ku ekaa markii uu Farmaajo kasoo noqday afgembigii, una suurageli waayey markii aan u tagnay Gurigii uu u noolaa wax ka yar 300 Mitir, dantuna ay u run sheegtay, uuna ogaaday inuusan cadkan cuni karin” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Indha-cadde
Doorkooda xilligan ayuu sheegay inay hadda umadda Soomaaliyeed u soo celiyeen xuquuqdoodiii, ayna ka mid yihiin dadka.
