Taliyaha xilka laga qaaday ciidamada PSF Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda magaalada Boosaaso iyo dagaalka ka socda.
Jeneraalka ayaa sheegay inay difaac ku jiraan oo xarunta ku sugnaayeen marka weerarka lagu soo qaaday, wuxuuna sheegay inay xaruntooda go’doomiyeen oo weerarar kusoo qaadeen ciidamada Puntland.
Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa xaqiijiyay inay dagaalkii maanta ay dhinacooda uga dhinteen laba askari, saddex kalana uga dhaawacmeen. Wuxuu kaloo sheegay inay difaac kaga jiraan xaruntooda.
Mar uu ka hadlay sababta dhalisay dagaalka ayuu ku sheegay inay ku timid go’doon lagu sameeyey xerada ay deggan yihiin, isla markaana subaxnimadii hore ee saaka lagaga soo qaaday dagaal dhinaca bariga Badda, balse ay iska difaaceen, welina ay ku sugan yihiin goobohoodii ay horay u joogeen, sida uu yiri.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 10 qof ayaa dhinteen dagaalka, 40 kalena waa ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen goobaha caafimaadka ee magaalada, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay isugu jiraan ciidan iyo rayid.
Jawiga magaalada Boosaaso ayaa caawa degan, inkastoo la maqlayo rasaas goos-goos ah oo xilliyada qaar ka dhacaysa goobihii maanta lagu dagaalamay.
UPDATE: QORAAL JAWAAB AH OO KA YIMID CIIDAMADA PSF

