Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Jen. Max’ed Cali Samatar oo Mareykanka ku geeriyooday [Akhriso taariikhda Cali Samatar]

    Jen. Max’ed Cali Samatar oo Mareykanka ku geeriyooday [Akhriso taariikhda Cali Samatar]

    August 20, 2016Updated:August 20, 20163 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allaha u Naxariistee waxaa  magaalada Viriginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Gen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dowladii Kacaanka ee Soomaaliya.

    General Samatar ayaa ka mid ahaa madaxdii ugu sareysay iyo ninkii labaad ee dowladii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida madxaweyne ku xigeen, wasiirka Gaashaandhigga, taliyaha ciidamada dalka iyo  Ra’siial wasaare.

    Allaha u Naxariistee Gen, Maxamed Cali Samatar ayaa Darajada Ciidanka Meel fiican ka gaaray,waxaana uu ahaa Sareeye Guud oo ah Darajada Ciidan mida ugu sareeysa Soomaaliya. Waxaa lagu xusuustaa geesinimadii iyo dadaalkii dheeraa ee uu soo galay qaranimada Soomaaliyeed, wuxuuna ku dhintay da’da 85 Sano.

    Madaxda dowladda Soomaaliye

    TAARIIKHDA GEN. MAXAMED CALI SAMATAR


    Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda wax barasho u aadda, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka,  21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembisay dowladii ra’yidka ahayd.

    Jen-SamatarSareeye Guud Maxamed Cali Samatar wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka raggii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaadda nidaamkii dowliga ahaa, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayne ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhigga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka.

    Maxamed Cali Samatar  wuxuu ahaa nin aad u furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeysay ee Soomaali ah ee abid gaara derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaaray S/Guud Samatar wuxuu ku gaaray aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa raggii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaaray xilligaas, wuxuuna ahaa kii dhisay ciidankii ugu xoogga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay In loogu yeero General kii kowaad ee Afrika.

    S/Guud Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranka, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud ahaan jecelaayeen shacabka Soomaaliyeed.

    Allaha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummadda Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaarsiin lahaa.

    S/guud Maxamed Cali Samatar ayaa xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka iyadoo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuum Maxamed Cali Samatar.


    Wadani.com

    Cali Samatar oo geeriyooday Gen. Maxamed Cali Samatar Maxamed Cali Samatar
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaallooyin qaawan oo laga sameeyay muuqaalka Musharaxa Donald Trump [Daawo Shactaro]
    Next Article Koox Wasiiro iyo Xildhibaano reer Khaatumo ah oo isbaheysi uga dhawaaqay Buuhoodle

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo