Taliyihii hore Booliska gobalka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Joon) ayaa maanta gelinkii dambe gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Waxaa maalmahan magaalada Dhuusamareeb gaaray ciidamo iyo gaadiid dagaal oo hordhac u ah Jeneraal Saadaq Joon oo maanta ay sidoo kale la socdeen ciidamo ilaalo ah, wuxuuna ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedka tegista Jen. Saadaq ee magaalada Dhuusamareeb ayaa si rasmi ah loo sheegin, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu halkaasi xarun ka dhigan doono, isla markaana xaqiijin doono Amniga Doorashada ka dhaceysa Galmudug.
Taliyihii hore ee Booliska Muqdisho ayaa horseed u ahaa dhaqdhaqaaqii looga hor yimid muddo kororsigii uu doonayey madaxweynihii xilkiis dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
