Wasiiru dowlaha Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay doorashada ka socota Soomaaliya.
Jen. Muungaab ayaa sheegay in lacag aanay noqon karin waxa ugu weyn ee musharax u keeni kara inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha iyo kan xildhibaanka ee doorashada Soomaaliya, laakiin ayuu yiri mararka qaar ay ka qeyb qaadan karto.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Jeneraalka oo hadda ka maqan dalka waxa uu ku sheegay in taageerada uu musharaxa ka heysto shacabka guud ahaan iyo dadka codka bixinaya ay tahay tan ugu weyn ee keeni karta in musharaxa ku guuleysto doorashada.
Jeneraal Xasan Muungaab ayaa tusaale ahaan u soo qaaday doorashadii kursiga xildhibaannimo ee shalay ka dhacday magaalada Baydhaba oo uu ku guuleystay Maxamuud Macalin Yaxye.
Xildhibaanka la doortay ee Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ka guuleystay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan (Fargeeti) oo xog la helay ay sheegtay inuu kharash badan ku bixiyay tartanka doorasahada.
Wadani.com