Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka mida Guddi madaxweyne Farmaajo u magacaabay soo celinta hantida ciidamada ayaa faahfaahin ka bixiyey khaladaadka ka jira diiwaangelinta ciidamada milateriga iyo arrimaha keenay inay ciidamada kasoo baxaan goobihii difaacyada uga jiren.
Ra’iisal wasaaraha ayuu ku eedeeyay inuu gadoodka ciidamada uu dhaliyey hadalkii kasoo yeeray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu yeeray inay yimaadaan goobaha diiwaan gelinta, isla markaana uu sheegay in ciidamada la siiyey mushaarkooda, natiijadiina ay noqotay inay ka soo baxaan degaanadii ay difaaca uga jireen.
Jen. Yuusuf Indha-cadde aya sheegay in diiwaangelinta ciidamada si khaldan loo waday iyadoo guddiga diiwaan gelinta ay fariisteen magaalooyinka sida Jowhar iyo Afgooye kadibna ay u yeereen ciidamadii ku jiray jiidda hore, taasoo suuragal noqon weysay iyadoo qeyb ka mida la diiwaangeliyey.
Wuxuu soo jeediyey in guddi wasiiro loo diro arrintan oo xal ka gaara arrimaha diiwaan gelinta isagoo ka digay inay arrintan dhibaato weyn ka imaan karto iyo in Alshabaab ay dib usoo laabato.