Taliye-Xigeenka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed Jenreaal Zakia Xussen Axmed ayaa jawaab ka bixisay hadal-heyn ka dhalatay war ay ka faafisay Kiis been abuur noqday macalliin Dugsi Qur’aan oo ay sheegay inuu kufsi kula kacay gandho yaryar.
Kiiskan oo been abuur noqday ayey markii ugu horeysay faafisay Jen. Zakiya (Halkan ka Akhriso), waxaana dad badan ay ku eedeeyeen taliye ku xigeenka inay sharf-dil ku sameysay Macallin-ka, isagoo isku difaacday inay Boolis ahaan u hadashay.
Qoraalka Jeneraal Zakiya oo cudurdaar uu ku jiro hoos ka akhrso:
Bismillah
Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintii kiiska 《MACALIN SHUCEYB》oo eedaysane u ahaay hooyooyin Soomaaliyeed kuwaasoo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamareeb baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay waxaana been abuurkaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada si sharci ahaan loo fasaxo sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa.
Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan gudanay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka.
Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo karaamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka.
Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda.
Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bulshada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah waana ogahay mudnaanta & qiimaha gaarka ay macalimiinta siisay diinteena suuban.
Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumcadda bulshada Soomaliyeed waa waxaan ugu xirtay deriiska ciidan.
Mahad Badan,
S/Guuto Zakia Xussen Axmed
Taliye-Xigeenka Boliiska Soomaliyeed