Jenaraal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre) oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidamada Xoogga dalka
Soomaaliyeed, kana soo qeyb galay dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu muddo ka xanuunsanaa.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Jeneraal Caarre.
“Jenaraal Caarre wuxuu ahaa shaqsi naftiisa, waqtigiisa iyo cilmigiisaba u huray sidii loo horumarin lahaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, dib u dhisna loogu sameyn lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Waxaa kaloo tacsi u diray Jeneraalka madax badan oo ka tirsan ciidamada dalka iyo wasiiro iyadoo lagu xusuusto Jenaraal C/raxmaan Warsame Cilmi (Caarre) doorkii uu ku lahaa dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wadani.com