Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in koox hubeysan ay duleedka degmada Afgooye toogasho ku dishay Jeneraal ka tirsanaa ciidamadii xoogga Dalka Soomaaliya.
Dilka Allaha u naxariistee Jeneraal Guudle Maxamed Nuur ayaa waxaa geystay dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay jidka u galeen, isla markaana ay toogasho ku dileen Jeneraalka hore iyo darawalkiisa xilli uu ku sii socday beertiisa degaanka Doonka ee duleedka Afgooye, iyadoo laga qaatay gaarigiisa.
Jeneraal Guudle Maxamed ayaa ka mid ahaa Saraakiishii hore ee Milatariga Soomaaliya xiligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre, isagoo xilli hore ka fariistay howlaha ciidamada, isla markaana ahaa beeralay laga soo bilaabo sanadkii 2000.
Jenral Guudle ayaa la sheegay inuu mar soo noqday Taliye Qeybeed xilligii dowladii Siyaad Barre, isagoo diiday inuu ciidamada dib ugu laabto muddo ka bdan 20 sano.