Taliyaha ciidamada xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa qiray inay jiraan ciidamo aan mushaar qaadan oo khalad farsamo ah dib loogu saxayo diiwaagelinta ciidamada Xoogga Dalka.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kadib ciidamo gadoodan oo Muqdisho yimid, kadibna xirtay Wadadda Maka Almukarama, wuxuuna caddeeyay inay jiraan khaladaad yaryar oo sixitaankooda lagu jiro.
“Qaar ka mida ciidamada ayaa dhiman in la saxo, Guutada 8-aad iyo Guutada 9-aad ayaa sixitaanku ku socdaa xilligan hadda lagu jiro…” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Milatariga, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada ay mamnuuc ka tahay inay gadood sameeyaan.
Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka inaan loo dulqaadan karin inay shaqaaqo iyo qalalaase, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ka fogaadaan wixii lid ku ah dishibiliinka ciidanka, lana sixi doono xuquuqda maqan qaarka yar ee ka mida ciidamada.