Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Jeneraal Xuud iyo kooxdii Kacdoonka Hiiraan ma la khiyaanay mise Kharash ayay qaateen..?

    Jeneraal Xuud iyo kooxdii Kacdoonka Hiiraan ma la khiyaanay mise Kharash ayay qaateen..?

    February 6, 2022Updated:February 7, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay qorshe ay u dhigtay ururkii Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaaminayey Jeneraal Abuukar Warsame Xuud.

    Jeneraalka ayaa Muqdisho ka keenay 19-kii Janaayo 2022, iyadoo loo adeegsaday saaxiibkiis Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana markii uu Muqdisho yimid uu sheegay inuu caasimadda u tegay arrimo Qaran, isla markaana uu wadahadal la geli doono Madaxda Dowladda, isagoo caddeeyay inaysan waxba iska bedelin mowqifkoodii Hirshabeelle.

    Wadahadalladii Muqdisho ayaa waxba kasoo bixi waayeen, dhowr jer oo uu saxaafadda la hadlay Jeneraal Xuudna ma sheegin wax cad oo aan ka ahayn in wixii ay ugu tageen Farmaajo ay ka heleen iyo diidmadiisa Madaxweynaha Hirshabeelle.

    Intii Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa Xamar joogeen wauxuu Farmaajo magaalada Beledweyne u diray Boqolaal ciidamo isugu jira Gorgor iyo Haramcad, balse Jen. Xuud uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxayna ugu dambeyn ciidamadaasi la wareegeen magaalada Beledweyne oo ay si awood ah ugu danbeyn ku geeyeen Cali Guudlaawe Xuseen maanta 6 Febraayo, 2022.

    Waxaa shaki soo kala dhex galay kooxdii kacdoonka Hiiraan oo qaarkood iska fogeeyay qorshaha uu Jeneraal Xuud u joogo Muqdisho, waxaana soo baxay xog sheegeysa inuu Jeneraal Xuud iyo xubnaha la socda ay Madaxtooyada Soomaaliya ka heleen lacag ku dhow 100-kun Dollar, lacagtaas oo la sheegay inay khilaaf ka dhex dhalisay dhexdooda.

    Jeneraal Xuud ilaa xalay Saqdii dhexe wuxuu ku taagnaa mowqifkiisii ahaa inuusan Madaxweynaha Hirshabeelle tegi karin Beledweyne, wuxuuse qarsan inay ku dhacday khiyaamo ah in loo daba marayo magaaladii laga keenay, haddii la geynayo Cali Guudlaawe.

    Qorshaha kooxda Farmaajo u dhigtay kooxdii Jeneraal Xuud waxay ahayd khiyaano looga dan lahaa in Beledweyne ay la waraageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, kadibna ay ka dhacdo doorasho ay ku soo baxaan xubnaha uu wato ee uu ugu horeeyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin.

    Waxaa muuqata inuu inta badan hirgalay qorshaha lagu kala jebiyay kooxdii Jeneraal Xuud oo aan awoodin inay xitaa cambaareeyaan halka dhibaatadu uga timid ee ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxamed Farmaajo.

    Haddii sida loo qorsheeyay u dhacdo doorashada kuraasta taalla Beledweyne, waxaa halkaas ku hakanaya xal u raadinta khilaafka Hirshabeelle oo markii horeba laga soo abaabulay Villa Somalia, waxayna arrintaasi ku xirnaan doontaa Madaxda dowladda soo socota.

    BELEDWEYNE Doorashada Farmaajo Jeneraal Xuud Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo laba Ballanqaad u sameeyay Beesha Gobolka Hiiraan ee diidan maamulkiisa
    Next Article Ciyaaryahan Reer Marocco ah oo Hanti lama filaan ah ugu deeqay Qoyskii uu ka dhintay Rayan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo