Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in sarkaal ilaalo gaara u ahaa Boqorka Sacuudiga lagu dilay magaalada magaalada Jiddaha ee Sacuudiga.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Jen. C/casiis Alfagam ayaa warbaahinta Sacuudiga ay sheegtay in dilkiisa uu yimid kadib markii uu muran dhex maray nin ay saaxiibo ahaayeen, wuxuuna ka dhacay Guri ku yaalla magaalada Jiddah, iyadoo markaasi kadibna ay ciidamada amniga toogteen ninkii dilka geystay.
Jeneraal C/casiis Alfagam ayaa ilaalo gaara oo shaqsi ah u ahaa Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis, isagoo aan marna ka hari jirin boqorka, waxaana dilkiisa ka dhashay dood badan oo ku saabsan qaabka uu nin kale ugu dilay guriga saaxiibkiis, iyo sababta ay ciidamada amniga ugu sugnaayeen gurigaasi.
Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegtay in Jeneraalka oo dhaawac halis ah soo gaaray loo qaaday Isbitalka Boqor Feysal, halkaasoo uu ku dhintay daqiiqado kadib, waxayna ciidamada amnigu toogasho ku dileen ninkii dilkiisa geystay oo dagaal kala hor yimid, balse ma jirin faahfaahin dheeraad ah laga bixiyey arrintan, taasoo keentay in si weyn loogu faaqido Baraha bulshada ee dadka Sacuudiga.



