Iyadoo ay weli socoto tirinta codadka afarta Gobol ee go’aamin doona cidda noqoneysa Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa soo baxay lama filaan cusub oo ah in Gobolka Georgia uu hadda ku hormaray musharaxa Dimoqraadiga ee Joe Biden.
Gobolkan oo ahaa mid Jamhuuriga u codeeya caadiyan isla markaana aan la fileyn inuu codadkiisa ergo ee gaaraya 16-ka uu heli karo musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee Biden ayaa hadda daqiiqadihii ugu danbeeyay waxaa hoggaanka u qabtay Biden.
Tirintii ugu danbeysay ayaa muujineya nuu codad ku dhow 1000 ku hormaray Jeo Biden Gobolka Georgia, waxaana harsan codad yar oo tirintoodu socoto, taasoo ka dhigan haddii uu Biden ku guuleysto Gobolkan inay gebi ahaan burbureyso rajadii Trump ka qabay in dib loo doorto.
Dhinaca kale wuxuu Biden ku horeeyaa Gobollada Nevada iyo Arizona, isagoo ku soo dhowaanaya Pennsylvania oo tartanka ugu adag ka socday.
Georgia ayaanu musharax ka socda Xisbiga Dimoqraadiga ku guuleysan wixii ka dambeeyay Bill Clinton sanadkii 1992, waxayna naxdin kale ku tahay taageerayaasha Donald Trump oo weyn doona rajadii ugu yareyd ee sii joogista Aqalka Cad.