Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye gebi ahaan la xiray.
Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa la joojiyay, waxaana wadadda dheer ee isku xirta labada magaalo la geeyay ciidamo fara badan oo tan iyo xalay halkaasi tegay, iyadoo ay kala xayiran yihiin gaadiidka iyo isu socodka dadka.
Socdaalka madaxweyne Farmaajo ee Afgooye ayaa keenay in jidkaasi la xiro, kaasoo ahaa kan ugu weyn ee ganacsiga iyo dadka ay adeegsadaan, dad fara badan iyo gaadiid ku soo jeeday magaalada Muqdisho iyo qaar ku socday Afgooye ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin labada dhinac.
Madaxdii hore ayaa diyaarad ku tegi jiray xilliyada ay booqanayaan Afgooye, laakiin madaxweyne Farmaajo ayaa door biday inuu dhulka maro.
Wadani.com