Nin Jilaa ah oo Ganacsade ah, kuna nool dalka Spain ayaa dalka Masar ka abuuray kacdoon cusub oo xukunta looga tuurayo madaxweynaha Masar oo inqilaabka ku yimid C/fataax Alsissi.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali ayaa adeegsaday baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter, wuxuuna soo dhigay farriimo malaayiin jeer la wadaaday oo uu ku weerarray xukunka madaxweyne Sisi, isagoo sheegay inuu ku fashilmay xukunka Masar, una soo jiiday dhibaato dhaqaale, mid bulsho iyo faqi hareeyay dalka Masar.
Maxamed Cali oo dhinaca kale ahaa qandaraasle ayaa ugu baaqay Madaxdweynaha Masar inuu talada ka dego mar haddii uu fashilmay, isagoo ku baaqay in ciidamada ay talada ka tuuraan Siisi, haddii uu kursiga banneyn waayo, wuxuuna dadweynaha Masar si is daba joog ah ugu baaqay inay kacdoon sameeyeen oo gacantooda ku talada uga tuuraan Madaxweyne Sisi.
Jilaaga Maxamed Cali ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka Masar, waxaana bilowday farriimo cinwaan looga dhigay ‘XILKA KA DEG SIISI” oo qabsaday baraha bulshada dalka Masar, waxaaan cabsi weyn soo wajahday Madaxweynaha Masar oo ciidamo badan wadooyinka dhigay, isla markaana qarka u saaran inuu ka baaqdo safarkii uu ku tegi lahaa shirka Golaha Guud ee Q/midoobay.
Dadweynihii ugu badnaa ayaa xalay isugu soo baxay fagaarayaasha dalka Masar iyagoo ku dhawaaqay in madaxweynaha dalkaasi uu xukunka ka dego, waxayna jeexjeexeen sawirrada Madaxweyne C/fataax Sisi, waxaana la xiriray boqolaal dad ah, iyadoo laga cabsi qabo inuu kacdoonka sii xoogeysto.
