Dadka ku dhintay Masjidka ku yaalla magaalada Cariish ee dalka Masar ayaa gaaray 235, halka dhaawaca uu dhan yahay 109, sida ay sheegtay Warbaahinta rasmiga ah ee dalka Masar.
Weerarkan oo koox maleeshiyo ah ay geystay kadib salaadii jimcaha ahaa ah kii ugu dhiig badnaa ee noociisa ah dalka Masar, waxaana madaxweynaha dalkaasi uu ku dhaartay inuu baabi’in doono kooxihii ka danbeeyay weerarka.
Kulan degdeg oo ay yeesheen madaxweynaha Masar, wasiirka difaaca dakaasi, wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha sirdoonka ayaa lagu shaaciyay baroordiiq muddo 3 maalmood ah soconeysa, waxaana lagu qaatay go’aan ah in laga daba tago dableyda falkaasi geysatay.
Madaxda caalamka ayaa jawaabo degdeg ah ka bixiyay weerarkan iyagoo tacsi u diray dalka Masar, isla markaana canbaareeyay weerarka dadka badan lagu laayay oo lagu tilmaamay jimcadii madoobeyd ee Masar.