Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Joe Biden iyo Donald Trump oo mid kasta sheegtay inuu Doorashada ku Guuleysanayo iyo Cabsi laga qabo…

    Joe Biden iyo Donald Trump oo mid kasta sheegtay inuu Doorashada ku Guuleysanayo iyo Cabsi laga qabo…

    November 4, 2020Updated:November 4, 20202 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden oo goor dhow hadlay ayaa shaaciyay inuu rajo fiican ka qabo guul uu ka gaaro Doorashada madaxweynaha Mareykanka.

    Biden oo ka hadlayey xarunta ololihiisa ee magaalada Delaware ayuu sheegay in rajadiisa ay fiican tahay, balse ay waqti qaadan doonto tirinta codadka doorashada, isla markaana ay qasab tahay in cod kasta la tiriyo, isagoo rajo ka muujiyey gobollada harsan ee aan weli lagu kala bixin.

    Wuxuu tilmaamay in natiijada doorashada ay kaliya u taallo dadka Mareykanka, ayna sugi doonaan ilaa waqtiga ugu danbeeya, arrintan oo loogu talogalay in meesha looga saaro Guul uu si gaar u sheegto Donald Trump.

    Dhinaca kale Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu guul weyn rajeynayo, wuxuuna farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku caddeeyay in guul weyn ay gaareen, laakiin ay dhinaca kale doonayaan inay guushaasi ka xadaan, wuxuuna ka hor yimid in cod tirintu socoto kadib marka cod bixinta la soo xiro.

    Arrintan dhibaatadu ka taagan tahay ee Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga ayaa ah inay diidan yihiin natiijo la sugo kadib marka lasoo xiro xarumaha cod bixinta maanta xilliga Mareykanka. Gobollada Pennyslivenia, Michigan, Wisconsin ayaa codadka lagu dhiibtay doorashada la tirinayaa kadib maalinta Doorashada, waxayna gaari kartaa ilaa Jimcaha soo socda.

    Trump ayaa doonaya in meesha lag saaro codadka saddexda Gobol ee muhiimka u ah Musharaxa Dimoqraadiga, waxaana la saadaalinayaa in arirntu sii daba dheeraato, inkastoo Trump ku guuleystay Gobollada muhiimka ah ee Texas, Florida iyo Ohio.

    Trump oo Saacad kadib hadli doona ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhawaaqo inuu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Mareykanka markii labaad.

    Donald Trump Joe Biden US Elections
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaaraha Itoobiya oo Amar ku bixiyey Weerar ku qaadaan ururka Tigreega ee TPLF
    Next Article Maxkamad ku taalla Hargeysa oo Xabsi, Ganaax iyo xiris Ganacsi ku xukuntay milkiilihii Astaan TV

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo