Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa sheegay in AMISOM horumar weyn ka gaartay arrimaha Soomaaliya, loona baahan in howsheedda dhameystirto ilaa sanadka 2018.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Mohamed kadib shir ay wasiirada arrimaha dibadda Bariga Afrika Nairobi kula yeesheen John Kerry ayuu sheegay in baahi loo qabo AMISOM oo waajibaadkeeda dhameytirto kaasoo ku eg 2018.
“Waxaa hadda la joogaa 2016, waxaan aaminahay in la heysto waqti; inta aan laga hadlin ka bixitaanka AMISOM, waa inaan awood u yeelnaa ciidamada qaranka Soomaaliya oo u baahan in la xoojiyo si ay u suuragasho in la yareeyo ciidamada AMISOM” ayuu yiri John Kerru oo la weydiiyay inay jiraan qorshe lagu bedelayo ciidamada AMISOM.
AKHRI SHIRKII JARAA’ID EE JOHN KERRY IYO AMINA MOHAMED OO DHAMESTIRAN
Wadani.com