Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»John Magufuli, waa nooca hoggaamiye ee ay Soomaaliya u baahan tahay

    John Magufuli, waa nooca hoggaamiye ee ay Soomaaliya u baahan tahay

    March 8, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shantii November, 2015 ayaa loo dhaariyay jagada madaxweynanimo ee dalka Tanzania. In ka yar shan bilood doorashadiisa ayaa waxa uu hadda dalka Tansaaniya ka wadaa wax loo yaqaano Ruwaandeynta Tansaaniya (Rwandanisation of Tanzania), oo ah in dalka la gaarsiiyo heerka ay Bariga Afrika ka joogto Rwanda. Rwanda waxa ay kamid tahay dalalka uu aadka u koray dhaqaalahooda sanadadii lasoo dhaafay.

    Tan iyo markii xilka madaxweynananimo loo dhaariyay, Magufuli, waxa uu bil gudeheeda ku muujiyay in wixiisu aanay hadal oo kaliya eheen, balse hadalku uu la socdo ficil iyo wax qabad.

    Markii la doortay wax yar un kadib, Magufuli waxa uu iclaamiyay in wax xaflado oo loogu dabaal dagayo madaxbanaanida dalka aan la qaban doonin 9-ka December, oo ku beegan markii ay Tansaaniya xorrowday, maxaa yeelay ceeb ayuu ku tilmaamay in waxaas oo lacag ah xaflado lagu qarash gareeyo, iyada oo muwaadiniinta xiligaa ay la dhibtoonayeen shuban baahsan oo dalka ka jiray. Taa bedelkeeda maalinkaa waxaa loo asteeyay Maalin Nadaafad Qaran, lacagtii xaladaha dhanna waxaa loo weeciyay ilaalinta faya dhowrka.

    Waxa uu booqasho ku tagay Isbitaal ku yaala dalkaas, xaalad aad looga naxo ayuu kusoo arkay, iyada oo bukaanada ay wadaagayeen sariiraha, qaarna ay dhulka iyo shamiidada jiifeen. Waxa uu amray in lacago fara badan oo loogu talo galay xisbiyada dalkaasi loo weeciyo isbitaalka, laguna soo iibiyo sariiro ay ku seexdaan bukaanada. Maalmo kadib, 300 oo sariir ayaa isbitaalka la geeyay, waxa uuna xilka ka qaaday dhammaan madaxdii isbitaalka maamulaysay. Waxa uu sidoo kale aad u dhimay lacagihii loogu talo galay xafladda xil wareejintiisa, isaga oo kasoo dhimay $100,000 oo doolar, kana dhigay kaliya $7,000 oo doolar. Lacagaha meeshaas kasoo baxay waxaa loo weeciyay isbitaalki.

    Seddex bari markii uu xilka hayay, waxa uu mamnuucay dhammaan safarada aan aadka muhiimka u eheen, ee ay dibadda u aadayaan madaxda dalkaasi. Taa bedelkeeda, waxa uu amray in mas’uul walba uu booqdo baadiyaha iyo meelaha fog fog, xalna ay u raadiyaan dhibaatooyinka ay qabaan dadka reer Tansaaniya. Shaqooyinka dibadda la xiriirana, waxa uu tilmaamay in ay qabanayaan safiirada jooga dalalka howsha laga rabo.

    Waxa uu mamnuucay dhammaan safarada ay ku baxayaan lacagaha qaaliga ah ee ay mas’uuliyiinta samaynayaan, marka laga reebo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo iyaga baratakool ahaan u baahan maamuus iyo amni gaar ah.

    Waxa uu joojiyay tababarada, shirarka iyo siminaarada lagu qabanayo hoteelada qaaliga ah, taa bedelkeeda waxaa howshaas oo dhan lagu qabanayaa hoolalka dhismayaasha wasaaradaha iyo kuwa dowladda.

    Waxa uu shaqada ka joojiyay, in baaritaan lagu sameyana uu amray madaxa hay’adda Tansaaniya u qaabilsan dakhliga iyo canshuuraha, kadib markii dekedda Daarasalaam, oo uu booqday Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi uu kusoo arkay musuq baahsan oo halkaa ka jiray.

    Safar 600 oo kiiloo mitir ah, oo uu kaga baxayay caasimadda, kuna tagayay gobol kamid ah Tansaaniya, ayuu diiday in diyaarad gaar ah lagu qaado, taa bedelkeeda safar dhulka ah ayuu ku baxay.

    Waxa uu balan qaaday in uu joojin doono qarashaadka faraha badan ee ku baxa mas’uliyiinta dowladda, la dagaalami doono musuq maasuqa, uuna xoojin doono isla xisaabtanka. Waxa uu ku cel celiyaa in la joogo waqtigii ay Tansaaniya hore u socon leheed.

    Waxa aan rajaynayaa in hoggaamiyayaasheena ay wax badan ka baran doonaan Magafuli.


    Warbixintan waxaa Meraheed leh ku qoray Kwame Gyan.
    Waxaa tarjumay Aweys Xaaji Macamed (Cadde).
    Email: [email protected]

    John Magufuli Nooca hogaamiye Tanzania
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo war kasoo saartay Duqeyntii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka
    Next Article Dowladda Somaliya oo sheegatay inay Mareykanka siisay xogtii lagu duqeeyay xerada Raaso ee Alshabab

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo