Waxaa Goor dhoweyd magaalada Jowhar lagu soo gabagabeeyay wareega labaad Doorashada mid ka mida labadii kursi ee harsanaa Aqalka Sare, kuna harsanaa maamulka Hirshabeelle.
Kursigan oo horey muran ug dhacay waxaa ku tartamay: Musharixiinta kala ah: C/qaadir Xanafi Sheekh Bashir, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdalla Cabdi Xuseen, waxayna natiijadii wareegga labaad noqotay, sida soo socota:
1. Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashir: 31 Cod
2. Cali Shacbaan Ibraahim: 54 cod
3. Cabdalla cabdi Xuseen: 0
85 xildhibaan ayaa codeysay, mana jirin wax cod ah oo xumaaday, iyadoo wareegii saddexaad loo gudbay oo ay ku tartamayaan C/qaadir Xanafi Sheekh Bashir iyo Cali Shacbaan Ibraahim.
Waxaa muuqata in isbedel ku yimid Kursigan oo wareegiisii koowaad fowdada ku dhammaaday uu ku horeeyay musharax C/qaadir Xanafi Sheekh Bashir, balse Musharax Cali Shacbaan Ibraahim oo taageero ka heysta Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yusuf Dabageed ayaa hadda u muuqada inuu codad badan helay, kuna soo bixi doono.
