Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay joojiyeen qaxootigii laga soo celinayay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ee degaanadooda la keeni lahaa.
Dhageyso Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland General Maxamed Warsame Darwiish VOA u sheegay inaysan ogolaan doonin qaxooti degaanadooda lagu soo celiyo.
Arintan ayey u sababeeyeen kadib markii sida ay sheegeen looga baxay ballan horey looga qaaday oo aheyd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.
Maamulka ayaa sheegay inay xaqootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley aysanna ogolaan doonin inay halkaa uga soo gudbaan Jubaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada qaxootiga soo noqonaya.
Dhageyso
Wadani.com