Jubbaland ayaa si buuxda u taageertay go’aankii kasoo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee ku saabsanaa in la been abuuray xeerarka Doorashada ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka, waxayna ku baaqday in la hakiyo dooda ka socota Baarlamaanka ee sharciyada Doorashada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu caddeyay inaysan aqbali doonin, isla markaana qeyb ka noqon doonin fulinta sharci iyo xeer kasoo baxa Golaha Shacabka oo aan ku imaan wadatashi iyo xal siyaasadeed oo ay wada gaaraan dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileyda siyaasadda.
Jubbaland ayaa ugu baaqday Golaha Shacabka inuu hakiyo, ka doodista, akhrinta iyo u codeynta xeerarka dhammeystirka doorashooyinka, isla markaana qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac weyn uu ka dhalanayo habraac doorasho heer federaal aan ku imaan wadatashi siyaasadeed ay qeyb ka yihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

