Maamulka Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyay Doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Kismaayo.
Labadii xildhibaan ee ugu danbeeyay oo degaan doorashadoodu tahay Kismaayo ayaa maanta lasoo afjaray, waxaana kusoo baxay:
Maxamed Xasan Aadan ayaa kusoo baxya kursiga HOP133, kadib markii ergo dhan 101 ay gacan-taag ugu codeysay, waxaana tartanka ka haray Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa. Waxaa kursigan hore ugu fadhiday Luul Cabdi Aadan.
Kursigii ugu danbeeyay ee Kismaayo oo ahaa HOP219 waxaa kusoo baxday Roodo Carab oo heshay 78 Cod, halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartantay ay ka heshay 20 cod. Waxaa kursiga hore ugu fadhiyey Cabdifitaax Maxamed Cali. .
Maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa u harsan 16 kursi oo yaalla Gobolka Gedo, kuwaasoo aanay weli caddayn halka lagu qaban doono.
