Maamulka Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa cambareeyay falalka xalay iyo saaka ka dhacay Muqdisho, isagoo nasiib darro ku tilmaamntay in ciidamada dalka loo adeegsado shacab Soomaaliyeed oo aan hubeysneyn, laguna weerarro saamileyda Siyaasada Dalka.
“Dowlada Jubaland waxay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhammaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, inay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah siday ka samaysay Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri War-saxaafdeedka kasoo baxay Xafiika madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa ka duwan kan kasoo baxay Maamulka ay isbaheysiga leeyihiin ee Puntland oo aan wax cambaareyn ah lagu soo qaadin isla markaana aan wax taageero ah loogu muujin musharixiinta Mucaaradka oo gacansaar la lahaa Puntland. Waxaa muuqata in arrintan ay ku kala leexdeen Puntland iyo Jubbaland.
WAR-SAXAAFADEEDKA HOOS KA AKHRISO
