Qoraal ka soo baxay waxgaradka iyo odayaasha Beesha Caloofi ee Gaaljecel ayaa lagu sheegay in xubin ay beeshu ku lahayd Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay bililiqeysteen madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle.
Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen 20 oday dhaqameed ayaa lagu faahfaahiyay xaqdarrada lagula kacay beeshan oo awood qeybsi ahaan u lahayd xilka aqalka sare.
Beesha ay dacawad u qortay Guddiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka, iyadoo dalbatay wax laga  qabto xaqdarrada lagula kacay.