Wareegto kasoo baxday Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in lagu baabi’iyey aqoonsiyadii ay hore u isticmaali jireen ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Qoraalka uu Hay’adaha Amiga iyo madaxda dalka u kala diray Taliyaha Ciidamada Asluubta ayuu ku wargeliyay in laga bilaabo 17-ka March 2024, la baabi’iyay Aqoonsigii (ID Cards) Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ay horay u isticmaali jireen Ciidanka Asluubta Guud ahaan.
Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. Mahad C/raxmaan ayaa sheegay inuu dhowaan soo bixi doono Aqoonsi cusub, sidaasina aan wax tixgelin ah loo siin Aqoonsiyadii (ID Cards) hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Wararka aya sheegaya in sababta loo kansalay dhammaan Aqoonsiyadii ciidamada Asluubta ay tahay kadib markii lagu arkay aqoonsiyadaasi dad adeegsanaya oo aan ka mid ahayn ciidamada Asluubta, loogana shakiyay inay adeegsadeen Alshabaab.