Waxaa magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhaqan galay kala qeybsanaantii ay magaaladaasi u kala qeybsaneyd Waqooyi (Puntland) iyo Koonfur (Galmudug).
Arrintan ayaa ka dambeysay go’aankii maamulka Puntland soo saaray ee lagu joojiyay isu socodka gaadiidka magaaladaasi oo maanta dhaqan galay, waxaana laga dareemay xaalad kacsan iyo isbedel jahawareer leh oo ku yimid magaalada.
Puntland ayaa joojisay in wax gaadiid ah oo ka yimid Koofurta Soomaaliya ay u gudbaan dhinaca waqooyiga Gaalkacyo, taasoo keentay inay abuurto xaalad cusub oo magaalada ku soo korortay.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo iyadoo lagu wado in waanwaan u furanto labada maamul.
Wadani.com