Kalfadhigii 7-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo uu furi doono Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kalfadhigan oo ah kan ugu dambeeya ee labada Aqal inta aysan waqtiga shacriga ahaa ka dhammaan Decembar 2020 ayaa ah fadhi xasaasi ah oo go’aan looga gaari doono arrimaha Doorashooyinka soo socda iyo xaaladda dalka ee kala guurka ah.
`Warar kala duwan ayaa ka soo baxay halka lagu qabanayo xafladda furitaanka oo ku kooban warbixinta labada Guddoon ee labada Aqal iyo Khudbadda Madaxweynaha, waxaana markii hore la sheegay inuu ka dhacayo Xarunta Dugsiga Sare ee Booliska iyadoo kadibna loo wareejiyey Xarunta Villa Hargeysa.
Warbaahinta madaxda bannaan ayaa la sheegay inaan loo ogolaan doonin ka qey galka kulanka furitaanka, waxaa kaloo meesha laga saaray ururrada bulshada iyo degmooyinka G/Banaadir oo soo buuxin jiray furitaanka kalfadhiyada si ay u taageeraan uguna sacbiyaan Madaxweynaha, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda ka dhalatay cudurka Coronavirus.

Ururrada warbaabinta ayaa xalay bilaabay olole iyo qeylo dhaan ku saabsan in loo diiday ka qeyb galka xafladda furitaanka, iyagoo dalbaday in weriyeyaasha loo ogolaado tebinta kulanka oo kaliya loo qoondeeyay Warbaahinta Dowladda.
Hore waxaa kalfadhigii hore muran uga dhashay tirada saxafiyiinta loo ogol yahay inay wararka ka tebiyaan xarunta Villa Hargeysa oo xafiiska maamulka Baarlamaanka uu sheegay inaan loogu talogelin saxafiyiin fara badan qaabka loo dhisay awgiisna, taasoo markii dambe lagu xaliyey tiro yar oo warbaahinta madaxa bannaan loo ogolaaday.
Khudbadda Madaxweyne Farmaajo laga sugayo inuu ka jeediyo furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ayaa laga qaadan doonaa sida Madaxtooyada u dooneyso inay doorasho ka dhacdo dalka.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakur Warsame ayaa farriin xasaasi ah u diray Madaxweyne Farmaajo isagoo kala hadlay waxa ay tahay inuu maanta ka hor sheego Baarlamaanka iyo arrimaha ay haboon tahay inuusan lasoo shir tegin, isagoo xusuusiyey inuu xilka uga haray muddo 8 bilood ah.
“Shacabku maanta hal arrin ayey afkaada ka dhowrayaan; sida ay xukuumadda aad hoggaamiso u qabaneyso doorasho xilligeeda ku qabsoonta, la isaga raalliyahay, si nabdoonna ku dhacda..” ayaa ka mid ahaa taladii C/raxmaan C/Shakuur u diray Madaxweyne Farmaajo.