Qaar ka mida Kalluumeysatada Gobolka Banaadir ayaa qaarna u dhinteen, qaarna la lagu waayey dabeylo xoog leh oo Badda India ka socday maalmihii ugu danbeeyay.
Inta la xaqiijiyey 6 kalluumeysato ah ayaa meydadkooda la helay xeebaha Muqdisho, waxaana ilaa hadda lagu la’ yahay 6 kale oo la filayo inay dhinteen markii ay Badweynta u kalluumeysi tageen, sida ay sheegeen Kalluumeysatada Gobolka Banaadir ee Suuqa Xamarweyne.
Kaluumeysatada ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 8 Doon lagu waayey Badda maalmihii ugu danbeeyay, qaarkoodna laga soo sheegay xeebaha Marka inay ku caariyeen, iyadoo Badda ay aad u kacsan tahay, isla markaana gebi ahaan la joojiyey howlihii kalluumeysi ee xeebaha Gobolka Banaadir.
Xilligan oo xaaladu caadi ahayd ayaan looga barran inay dabley waaweyn ka dhacaan xeebaha badweyne India, waana arrin la yaab ku noqotay kalluumeysatada Gobolka Banaadir iyo gobolla shabeelooyinka.