Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa si toos ah uga hor yimid dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xogta ay heleyso Wadani.com ayaa sheegeysa in madaxweynaha Hirshabeelle iyo Xasan Sheekh ay isku qabteen arrimaha doorashada xildhibaanada Aqalka hoose, kadib markii ay soo baxeen olole uu wado madaxweynaha Hirshabeelle.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa taageeray isla markaana awoodiisa isugu geeyay maalmihii ugu danbeeyay inay soo baxaan musharixiin xildhibaan oo si weyn uga horjeeda Xasan Sheekh oo ay ka mid yihiin: C/llaahi Sanbaloolshe, C/llaahi Goodax Barre iyo afar xildhibaan oo kale, wuxuuna ciriiri geliyay musharixiin ay wadatay Madaxtooyada.
Ololaha madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay inuu salka ku hayo fulinta mashruucii Imaaraadka Carabta ee madaxda maamul Goboleedyada lagu siiyay inay hor istaagaan musharixiinta kooxda Damujadiid iyo Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh oo ka danbeeyay in Cali C/llaahi Cosoble uu madaxweyne ka noqdo maamulka Hirshabeelle, kuna taageeray dhaqaale iyo olole siyaasadeed ayaa hadda u muuqda madaxweynaha aan ilko lahayn oo lagu meelgaaray, waxayna warar hoose sheegayaan in Cali C/llaahi Cosoble taageersan yahay musharaxnimada Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Wadani.com