Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»KASHIFAAD: Dowladda Somalia Maxay u qarisaa tirada Dadka laga baaray Cudurka Coronavirus..?

    KASHIFAAD: Dowladda Somalia Maxay u qarisaa tirada Dadka laga baaray Cudurka Coronavirus..?

    May 16, 2020Updated:May 31, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay inay shaaciso tirada dadka laga baaro cudurka Coronavirus, waxayna wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ay kaliya sheegtaa tirada dadka laga helay cudurka.

    Waxay hore wasaaradda caafimaadka u shaacin jiray tirada maalinlaha ee laga baaro cudurka Covid-19 iyo inta laga helay, waxayna joojisay markii dood badan ka dhalatay baraha bulshada oo ku saabsan sida dadka la baaro intooda badan looga helo cudurka.

    18-kii April 2020 ayaa ugu danbeysay in wasaaradda Caafimaadka ay shaaciso tirada maalintii laga gaaro cudurka, iyo inta laga helo, waxaana maalintaasi warbixintii ay soo saartay ay ahayd sidatan:

    Warbixinta Maanta 18/04/2020 Kiisaska maanta la baaray
    La baaray 25 qof
    Laga helay 19 qof
    Lab 15 qof
    Dhedig 4 qof
    Dhimasho 2 qof

    Tirada guud ee laga baaray cudurka Coronavirus Soomaaliya oo dhan waxay ahayd 16-kii April 222 qof, sida ku cad shaxda hoose.

    Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya marna sooma hadal qaado tirada guud ee laga baaray cudurka intii baaritaanku cudurkani uu bilowday, waxayna arrintaas qeyb weyn ka qaadan lahayd in la ogaado heerka uu gaarsiisan yahay cudurka, iyadoo aan la ogeyn sababta loo qarinayo qodobkan muhiimka ah.

    Dalalka Dunida waxaa lagu qiyaasaa heerka uu cudurku Coronavirus ka joogo hadba tirada guud ee dadkooda iyo baaritaanka ay sameeyeen, taasoo lagu qiimeyn karo shaqada ay hayaan wasaaradaha caafimaadka iyo guud ahaan dowladaha dalalkaasi, laakiin Soomaaliya oo deeqo badan ka heshay dalalka Turkey, China, ganacsadaha Shiinaha ee Jack Ma, Hay’adaha Q/Midoobay ee WHO iyo kuwo kale, ayna soo gaaren kumanaan kun oo qalabka wax lagu baaro ah ayaa qarineysa xogtan muhiimka ah oo si ulakac ah kusii wada inaysan soo hadal qaadin, lana wadaagin shacabka iyo warbaahinta.

    Inkastoo saddex Sheybaar oo cudurka lagu baari karo laga hirgeliyey Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa, waxaa haddana weli jira in kiisaska loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya si loogu baaro.

    Warbixintii ugu danbeysay UNOCHA qeybta Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ilaa 6-dii May 2020 dadka lagu baaray sheybaarka dowladda ee Muqdisho ay gaarayaan 1238 kiis, halka 239 kiis oo kale loo diray magaalada Nairobi.

    Dhinaca kale Wakaalada wararka AP ayaa Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO kasoo xigatay maanta in Soomaaliya lagu baaray kiisas gaaraya 2,700, waxaana halkaasi ka muuqda inay aad u kooban tahay tirada dadka laga baaro cudurka, taasoo aan sawir cad ka bixin karin heerka uu cudurka gaarsiisan yahay.

    Dalalka Bariga Afrika qaarkood waxay si joogto ah u shaaciyeen tirada dadka ay guud ahaan ka baareen cudurka Covid-19 sida hoos ku qoray.

    Kenya: 39,108

    Jabuuti: 16,878

    Itoobiya: 48,985

    Somalia: ??

    Wasaaradda Caafimaadka oo shalay hawada gelisay website cusub oo lagala soconayo xogta Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa mar kale si kutalagal ah looga reebay tirada dadka aga baaray cudurka, waxaana isha xogtan laga helo ay noqotay Hay’adaha Q/Midoobay oo soo saara warbixinno toddobaadle ah oo ku saabsan xaaladda cudurka.

    Jabuuti oo dadkeena lagu qiyaasay 988,000 (ku dhowaad Hal Milyan) ayaa cudurka ka baartay dad ku dhow 17000 qof, waxaana marka la eego tirada yar ee dadkeeda ay ka mid tahay dalalka ugu baaritaanka badan cudurka Afrika, taasoo keenay inay ilaa xad xakameyso cudurka, dadka u dhintayna ay kaliya yihiin 4 qof iyadoo tirada dadka laga helay cudurka ay isla mid yihiin Soomaaliya (1284 qof).

    Dowladda Soomaaliya waxaa laga sugayaa inay si daahfuran u shaaciso, dadkana ula wadaagto xogta cudurka Coronavirus oo dhammeystiran, iyadoo ay xaqiiqo tahay in tiro aad uga badan kuwa ay shaaciso Wasaaradda Caafimaadka ay qabaan ama u dhinteen cudurka Covod-19 gudaha dalka.

    GOOBJOOGE.NET

    Corona Virus Cudurka Corona Top Wasaaradda Caafimaadka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHormuud Foundation iyo Salaam bank oo Deeq Lacag ah gaarsiiyay 200 oo Qoys oo Danyar ah
    Next Article Kenya oo Coronavius dartiis joojisay Dadka iyo Gaadiidka kasoo gala xuduudka Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo