Guddiga Doorashada Dadban ayaa lagu soo oogay dacwado ku saabsan lacago fara badan oo ay ka qaadeen musharixiintii isu sharaxday labada aqal ee Baarlamaanka cusub.
Guddigan oo xisaab gaara ka furtay Bankiga Dahabshiil ee Muqdisho ayaa halkaasi loogu shubay dhammaan kharashkii ay bixiyeen musharixiinta labada aqal kaasoo ahaa 5000 Doolar Baarlamaanka iyo 10,00 Doolar Aqalka sare, iyadoo lacagahaas barkeed laga qaaday musharixiinta haweenka ahaa.
Musharixiinta hadda doonaya in lacagahoodii loo celiyo ayaa kuwii Guddigu ka reebeen Doorashada sababo kala duwan awgood, iyadoo hore loogu sheegay musharixii aan doorashada ka qeyb gelin in loo celinayo kharashkii uu bixiyay.
Guddiga Doorashada Dadban oo la sheegay inay u soo xarootay lacag ka badan Hal milyan oo doolar ayaan ka caga jiidaya in musharixiinta aan loo ogolaan doorashada oo gaaraya in ka badan 35 musharax uu dib ugu celiyo lacagahooda, waxaana laga cabsi qabaa in lacagaha soo xerooday laga bixiyay xisaabta guddiga ee Dahabshiil.
Wadani.com