Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»KASHIFAAD: Guddoomiye Yariisow oo laba Beelood u gacan geliyay Dhaqaalihii Maamulka G/Banadir [Isku Shaandheyn]

    KASHIFAAD: Guddoomiye Yariisow oo laba Beelood u gacan geliyay Dhaqaalihii Maamulka G/Banadir [Isku Shaandheyn]

    February 15, 2018Updated:February 15, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email
    Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa isku shaandheyn iyo kala bedel ku sameeyay waaxda ugu muhiimsan ee Dakhliyada maamulka Gobolka Banaadir.

    Guddoomiye Yariisow oo xilka jooga saddex toddobaad oo qura ayaa ku dhaqaaqay isbedelkii ugu weynaa ee qeybta dhaqaalaha dowladda hoose iyadoo qaab aan hore loo arag loo qeybiyay hab-dhismeedka Dakhliyada dowladda hoose ee Muqdisho.

    Isbedelka Guddoomiya Yariisow ayaa saameynta ugu weyn ku yeeshay beesha uu kasoo jeedo, isagoo agaasimaha Dakhliyada ku soo celiyay mas’uul hore xilka looga qaaday oo ay isku jufo yihiin iyo haweeney shaqaale cusub ahayd  iyaduna ay isku beel yihiin oo uu u dalacsiiyay agaasime waaxeed.
    Shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho ayaa shalay ku indho qaaday wareegtada isku shaandheynta Guddoomiye Yariisow oo khaladaadka ku jira uu ugu weyn yahay in beesha Murusade la isugu daray xilalkii ugu waaweynaa dhaqaalaha Gobolka banaadir.
    Beesha Murusade ayuu Guddoomiye Yariisow isugu guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Banaadir oo ay hore u heysatay, iyo  Xamdi Cali Nuur oo uu adeer u yahay Ra’iisul wasaare Kheyre taasoo loo magacaabay agaasimaha guud ee Khasnadaha Dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna daray agaasimaha canshuuraha.
    Xilkii Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda ee Dowladda Hoose ayaa gebi ahaan lagu baabi’iyay wareegtada guddoomiye Yariisow, iyadoo xilkaasi uu dhowan ka geeriyooday mas’uul kasoo jeeda beesha Galmaax, gaar ahaan Mattaan Cabdulle, waxaana muuqata inuu xilkaasi guddoomiye Yariisow ugu daray beesha Murusade.
    Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee canshuuraha gobalka Banaadir loo  magacaabay gabar lagu magacaabo Ayaan Cabdi Maxamed oo kasoo jeeda beesha Murusade, iyado xilkaasi laga wareejiyey mas’uul kasoo jeeday beesha Saruur ee Habar Gidir.
    Beesha Murusade ayaa hadda la qiyaasayaa inay hanteen hannaankii  hanaanka dhaqaalaha ee maamulka gobalka Banaadir, iyadoo qeybaha soo haray ay yihiin kuwo kooban.
    Lama oga sababta keentay in guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir uu tallaabadan ku dhaqaaqo, waxayse wararku sheegayaan inuu howshan ka dambeeyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda G/Banaadir oo hadda noqday ninka awood ahaan kala wada maamulka, halka Yariisow cadaadis uga imaanaya madaxda sare u hoggaansamay.
    Beesha Murusade G/Banaadir Guddoomiye Yariisow Top Yariisow
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDekadda Muqdisho oo dib u shaqo bilowday & Ganacstada Muqdisho oo laba qeybood u kala jabay [Warbixin]
    Next Article DEGDEG: Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya oo xilka iska casilay & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo