Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka digay in la guda galo kulan la isugu yeero xildhibaanada la doortay iyo doorasho la dedejiyo.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi ayay ku sheegeen inay sharci darro tahay howlaha laga wado magaalada Muqdisho iyo kulanka la sheegay inay yeelanayaan xildhibaanada cusub.
C/xakiin Cumar Camey, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay inay sharci darro tahay doorashada oon dhammaan in laga hadlo kooram iyo xildhibaanno loogu yeero Muqdisho.
Tallaabooyinka ay Puntland qaaday:
- Inay hakisay doorashadii Aqalka hoose ee Garowe ka socotay
- Inay ka hor timid Doorashada aqalka sare ee dadka kasoo jeeda Somaliland
- Inay ku gacan seyrtay howlaga guddiyada doorashada ee shahaado siinta xildhibaanada
- Inay Qoraalo dacwo ah u qortay beesha caalamka.
- Inay Puntland ku dhegan tahay xubnaha Somaliland ee Aqalka Sare.
Ujeedada Puntland:
- Inay saameynta ugu weyn ku yeelato dowladda cusub iyo labada aqal ee Baarlamaanka.
- Inay 2 ilaa 3 xubnood oo cusub ka hesho xubnaha Aqalka sare ee loo qoondeeyay Somaliland
- Inay yeelato awoodda ugu dambeysa ee ansixinta xildhibaanada labada aqal
- Iyo in ugu danbeyn doorashada madaxweynaha iyo guddoonada Baarlamaanka lagu qabto meel aan ahayn Muqdisho.
Arrimahan oo dhan waxay dhacayaan iyadoo waqtigii doorashada la dhaafay isla markaana dadaal loogu jiro inaysan doorashada madaxda sare ee dalka ka dib dhicin Decembar 2016.
Beesha caalamka ayaa lagu wadaa in culeys ku saarto Puntland sidii ay uga tanaasuli lahayd damaceeda fara badan iyo awoodaha ay adeegsaneyso iyadoo hore muddo 4 bilood ah ay dib u dhigtay doorashada markii ay diiday nidaamka 4.5
Wadani.com