Isku day lagu doonayay in Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed looga hor istaago ka qeyb galka shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga ka socda Muqdisho ayaa ku dhammaatay fashil iyo weji gabax ku dhacay madaxda maamullada.
Sida ay sheegeyso xog ay heshay Wadani.net waxay madaxda maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inuusan shirka Muqdisho ee furmay 29-kii Oktoobar ka qeyb gelin maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyahooda, waxaana dhacday in markii uu shirku furmayba ay si cad arrintaas loogu soo bandhigay guddoomiyaha oo ku dhex jiray madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Laba kamida madaxda maamul Goboleedyada ayaa furitaankii shirka kadib toos u dalbaday in Guddoomiyaha Gobolka banaadir uu raali ahaado, kana baxo shirka, iyagoo sabab uga dhigay inay doonayaan arrimo quseeya maamul Goboleedyada inay kala doodaan madaxda dowladda Federaalka, ayna rabaan inay arrimo xasaasi ah isla meel dhigaan oo iyaga u gaara.
Dalabkaas kadib waxaa hadalkii qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed oo si cad ugu sheegay waxa uu Gobolka Banaadir u taagan yahay, isagoo sheegay inuu metelo 3 Milyan oo Caasimadda ku nool kana kooban Soomaali oo dhan, halka ay iyagu meteleen qaqbaa’ilo kooban.
Guddoomiye Taabit ayaa u sharxay maamul Goboleedyada waxa uu taagan tahay Gobolka Banaadir iyo inuu yahay meesha qura ee Soomaalinimadu ku danbeyso iskuna heysta dowladnimada, wuxuuna tusaale u soo qaatay:
1- In G/Banaadir lacag u diro, isla markaana biilo maamul Goboleedyada.
2- In Gobolka Banaadir bixiyo mushaarka kumanaan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada dowladda Soomaalida.
3- In G/Banaadir bixiyo mushaarka xildhibaannada labada aqal ee Soomaalida oo idil isaga yimid
4- In xuquuqdii 3 Milyan oo qof oo Muqdisho degan ay qaadato dowladda Federaalka, iyagoo aan wax adeeg ah loogu qaban canshuurtii ay bixiyeen, sidaasina raali ku yihiin.
Intaas kadib ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ka dalbaday madaxda maamul Goboleedyada haddii ay isku raacsan yihiin arrinta ah inuu shirka ka baxo uu raali ku yahay oo uu isaga baxayo, laakiin markaas kadib uu shir jaraa’id qaban doono, isla markaana umadda u sheegi doono wixii dhacay, isagoo intaas sii daba dhigay “Markaas waxaad arki doontiin inaad sii shiri kartaan iyo in kale..”.
Jawaabtaas oo saameyn weyn yeelatay ayaa quus ku riday madaxdii maamul Goboleedyada, waxaana xaaladda markaas kadib soo dhex galay madaxda sare ee dowladda Federaalka iyadoo lagu xaliyay inuu Guddoomiyaha G/Banaadir shirka ka qeyb galo, lana raali geliyay.
XOG U GAARA GOOBJOOGE.NET