Waxaa la kashigay labadii xildhibaan ee qura oo diiday qaraarkii ka dhanka ah dowladda Kenya ee baarlamanka Soomaaliya uu u codeeyey laba maalin kahor, kaasoo ku saabsanaa in ciidamada Kenya laga saaro dalka Soomaaliya.
Labada Xildhibaan ee ka soo horjeestay qaraarka u kasoo jeeda beesha madaxweynaga Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo aad ugu dhow hogaamiyahaasi iyo dalka Kenya, waxaana lagu kala magacaabaa:
- Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ah wasiiru dowladdaha arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya
- Xildhibbaan Axmed Aabi Aaden oo ka mida xildhibaanada ugu afka dheer Baarlamaanka.
Xildhibaan Axmed Aabi ayaa ku dooday “Dastuurka ayaa qeexaya xaduudaha Somalia waana lama taabtaan sidaas darteed waxaan u diiday inaan Xukumadda kula xisaabtano”.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Dowladda Federalka ayaa hore ugu caan baxay taageerada Axmed Madoobe, isagoo hore u shaaciyay mowqifyo la yaab leh oo dad badan ku ceebeeyeen.
Wadani.com