Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inay taageereyso laba musharax oo kala duwan doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland ee iminka ka socota magaalada Garowe.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa Villa Somalia ayaa saameyn toos ah ku yeelan waayey doorashada Puntland, kadib markii wasiirada iyo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka laga mamnuucay inay tagaan Garowe inta doorashadu socoto, amarkaasoo uu bixiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday C/weli Gaas.
Xogta ay heshay Wadani ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu si kala gooni ah dhaqaale ugu taageeray labada musharax ee kala ah: Siciid C/llaah Deni iyo Maxamuud Khaliif Xasan (Jebiye), iyadoo lacagta loo diray lagu sheegay ilaa 3 milyan oo doolar.
Taageeridda labada musharax ayaa muujineysa inuusan jirin qof ay wadato dowladda Federaalka, balse ay ku shaqeyneyso inuusan soo bixin musharixiin ay col yihiin sida Cabdi Faarax Siciid Juxa, iyo Cali Xaaji Warsame oo ay si weyn uga horjeeda dowladda Federaalka.
Doorashooyinka ka dhaca Soomaaliya ayaa loo adeegsanaa dhaqaale la siiyo xildhibannada iyo ergooyinka wax dooranaya, taasoo sii noqoneysa arrin caadi ah.