Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»KASHIFAAD: Madaxtooyada Soomaaliya oo heshiis u kordhisay Shirkad Turki ah..! [Akhri Dokumentiga]

    KASHIFAAD: Madaxtooyada Soomaaliya oo heshiis u kordhisay Shirkad Turki ah..! [Akhri Dokumentiga]

    March 16, 20173 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Soomaliya ayaa faraha la gashay arrimo ku saabsan heshiisyo iyo shirkado xilli kala guur ah oo  muddo kooban uu xilka hayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Qoraal ay heshay Wadani.com ayaa agaasimha madaxtooyada xilligan Cali Saciid Faqi wuxuu muddo saddex bilood ah u kordhiyay shaqada shirkad laga leeyahay Turkiga oo heshiis mugdi ku jiray hore ay ula gashay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

    Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa PGM waxaana hore fadeexad ugu soo baxday wasiirkii heshiiska C/raxmaan Cabdi Cismaan la galay oo xilkiisa u waayay kadib markii uu lacag dhan 300,000 ka qaatay shirkadaasi.

    Akhri heshiiska lala galay shirkada PGM

    Akhri: Fadeexadda Wasiirkii Ganacsiga ee xilka looga qaaday

    Shirkadda ayaa heshiis loogu saxiixay muddo 10 sano ah inay koontarool ku sameyso tayada shixnadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, laakiin waxaa dhacday inaysan wax qalab ah keensan dalka, taasoo keentay in muddo lix bilood ah loo qabto inay qalabkeeda ku keensato.

    Waxaa la yaab leh in shirkada PGM ay muddo ka howlgaleysay Dekadda Muqdisho iyado khidmad ka qaada shixnadaha dalka soo gala, isla markaana aanay jirin wax qalab ah oo ay ku howlgasho marka laga reebo heshiiska ay la gashay xukuumadda Soomaaliya.

    Akhri: Warbixinta shirkadda PMG

    Qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Madaxtooyada ee muddo kordhinta loogu sameeyay shirkadan ka mida kuwa ugu qarsoon ee sida qarsoodi ah dalka uga howlgala ayaa shaki weyn ku xeereysa hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo oo durba faraha la galay heshiisyo kordhin shirkadeed oo aan ahayn shaqadii Madaxtooyada, tiiyoo aan weli la dhisin xukuumad, xaalad kala guur ahna lagu jiro.

    Sida ku cad warqad qoraal ah oo ka soo baxday villa Somalia ayaa lagu sheegay in xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u ogaaladey Shirkada PGM in loogu daro muddo Seddex {3} bilood ah si ay u sii wataan hawshooda inta ay ka keenayaan sheybaarkii lagula socon lahaa tayada badeecadaha ka soo degayo Dekadda Magaalada Muqdisho.

    Warqaddaasi ayaa ku kala socotey Wasaaraddaha Ganacsiga, Maalliyadda iyo Dekadaha, sidoo kale waxaa qoraalkaasi ogeysiin lagu siiyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, sedexdaasi Wasaaradood iyo Rugta Ganacsiga ayaa la farey waxii dheeraad ah oo ku saabsan arintaasi inay kala soo xiriiraan Madaxweynaha Soomaaliya, warqadaasi oo soo baxdey 8-dii Bisha Maarso 2017 ayaa waxaa ku saxiixnaa Agaasimaha Guud {KMG} ee Madaxtooyada JFS Danjire Cali Saciid Faqi.

    Madaxweyne Farmaajo oo balanqaaday xiligii doorashada inuu la dagaalamayo musuqa ayaa looga fadhiyay inuu dib u eegis ku sameeyo heshiisyadii aan Baarlamaanka la marin  ee lagula wareegay ilaha dhaqaalaha dalka, halkii uu ku lug yeelan lahaa heshiisyo cusub oo qarsoodi ah.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    KASHIFAAD: Heshiis Somaliya la gashay shirkad Turki ah oo la joojiyay & Wasiir xilkiisa ku waayay

    Cali saciid Fiqi Madaxtooyada Musuqa Madaxtooyada Shirkad Turki ah Top Villa Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaa dhex maray Ra’iisal wasaare Kheyre & Shaqaalaha xafiiskiisa [Shaqaale la dhimayo]
    Next Article XOG: Markabkii lagu heystay xeebaha Puntland oo heshiis Qarsoodi ah lagu sii daayay caawa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo