Madaxtooyada Soomaliya ayaa faraha la gashay arrimo ku saabsan heshiisyo iyo shirkado xilli kala guur ah oo muddo kooban uu xilka hayo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qoraal ay heshay Wadani.com ayaa agaasimha madaxtooyada xilligan Cali Saciid Faqi wuxuu muddo saddex bilood ah u kordhiyay shaqada shirkad laga leeyahay Turkiga oo heshiis mugdi ku jiray hore ay ula gashay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.
Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa PGM waxaana hore fadeexad ugu soo baxday wasiirkii heshiiska C/raxmaan Cabdi Cismaan la galay oo xilkiisa u waayay kadib markii uu lacag dhan 300,000 ka qaatay shirkadaasi.
Akhri heshiiska lala galay shirkada PGM
Akhri: Fadeexadda Wasiirkii Ganacsiga ee xilka looga qaaday
Shirkadda ayaa heshiis loogu saxiixay muddo 10 sano ah inay koontarool ku sameyso tayada shixnadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa, laakiin waxaa dhacday inaysan wax qalab ah keensan dalka, taasoo keentay in muddo lix bilood ah loo qabto inay qalabkeeda ku keensato.
Waxaa la yaab leh in shirkada PGM ay muddo ka howlgaleysay Dekadda Muqdisho iyado khidmad ka qaada shixnadaha dalka soo gala, isla markaana aanay jirin wax qalab ah oo ay ku howlgasho marka laga reebo heshiiska ay la gashay xukuumadda Soomaaliya.
Akhri: Warbixinta shirkadda PMG
Qoraalka ka soo baxay Agaasimaha Madaxtooyada ee muddo kordhinta loogu sameeyay shirkadan ka mida kuwa ugu qarsoon ee sida qarsoodi ah dalka uga howlgala ayaa shaki weyn ku xeereysa hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo oo durba faraha la galay heshiisyo kordhin shirkadeed oo aan ahayn shaqadii Madaxtooyada, tiiyoo aan weli la dhisin xukuumad, xaalad kala guur ahna lagu jiro.
Sida ku cad warqad qoraal ah oo ka soo baxday villa Somalia ayaa lagu sheegay in xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu u ogaaladey Shirkada PGM in loogu daro muddo Seddex {3} bilood ah si ay u sii wataan hawshooda inta ay ka keenayaan sheybaarkii lagula socon lahaa tayada badeecadaha ka soo degayo Dekadda Magaalada Muqdisho.
Warqaddaasi ayaa ku kala socotey Wasaaraddaha Ganacsiga, Maalliyadda iyo Dekadaha, sidoo kale waxaa qoraalkaasi ogeysiin lagu siiyay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, sedexdaasi Wasaaradood iyo Rugta Ganacsiga ayaa la farey waxii dheeraad ah oo ku saabsan arintaasi inay kala soo xiriiraan Madaxweynaha Soomaaliya, warqadaasi oo soo baxdey 8-dii Bisha Maarso 2017 ayaa waxaa ku saxiixnaa Agaasimaha Guud {KMG} ee Madaxtooyada JFS Danjire Cali Saciid Faqi.
Madaxweyne Farmaajo oo balanqaaday xiligii doorashada inuu la dagaalamayo musuqa ayaa looga fadhiyay inuu dib u eegis ku sameeyo heshiisyadii aan Baarlamaanka la marin ee lagula wareegay ilaha dhaqaalaha dalka, halkii uu ku lug yeelan lahaa heshiisyo cusub oo qarsoodi ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
KASHIFAAD: Heshiis Somaliya la gashay shirkad Turki ah oo la joojiyay & Wasiir xilkiisa ku waayay