Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay kulan dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mida xildhibaannadii dhowaan tegay magaalada Cadaado ee labada Gole.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa codsaday xildhibaannadii labada Gole ee uu hoggaaminayay Abshir Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ayna ka mid ahaayeen Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi.
Xogta laga helayo kulanka ayaa sheegay in xildhibaannadan ay fashilkooda dusha u saareen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay sheegeen inuu uga baxay ballan ay isku ogaayeen.
Xildhibaannada ayaa ku dooday inaysan Cadaado u tegin dagaal ay kula jireen dowladda iyo hogaanka xukuumadda,. balse ay madaxweyne Farmaajo isla garteen inay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ka dhaadhiciyaan inuusan ka hor imaan dowladda Federaalka oo ay ku soo xiraan Villa Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayay ku eedeeyeen inuu dhinac kale ka farageliyay xaaladda Galmudug, taasoo keentay in xal laga gaari waayo khilaafka, waxaana kulanka Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xildhibaannada uu ku dhammaaday in wadahadallo kale laga yeesho xaaladda Galmudug.